Daryeelka waayeelka ee Magaalada Stockholm

Xarumaha daryeelka waayeelka oo ka jira magaalada Stockholm waxaa loogu talagalay qofka buuxsaday 65 sano oo u baahan in laga caawino oo laga taageero nolol-maalmeedka iyo wixii kale oo baahi oo la xiriira meesha uu deggan yahay.

Tusaale ahaan waxaa ka mid noqon kara laarmiga badbaadada, adeegga guriga, hawla-maalmeedka iyo guryaha daryeelka iyo xannaanada. Magaalada Stockholm waxay xarumaha daryeelka waayeelka ka qaaddaa khidmad.

Codsiga xarun daryeel waayeel

Waxaa loo baahan yahay in la codsado waxqabadka xarumaha daryeelka waayeelka badankood. Waxaana go’aan ka gaaraya hawlwadeenka kaalmada ee maamulka degmada. Hadba inta ay le’ekaaneyso taageerada lagu siinayo waxay ku xirnaaneysaa inta ay le’eg tahay baahida aad qabto.

Gargaarka tooska ee waayeelka ayaa kaa caawini kara sidii aad u la xiriiri lahayd hawlwadeenka kaalmada ee degmada aad deggan tahay.

Telefoon: 08-80 65 65
E-meyl: aldredirekt.service@stockholm.se

Marka aad hesho go’aanka hawlaha laguu qabanayo ayaad dooran kartaa qofka aad dooneyso in uu hawlahaas kuu qabto. Wuxuuna noqon karaa mid degmada u shaqeeya ama mid shirkad gaar ah ka socda.

Laarmiga badbaadinta

Laarmiga badbaadadu waa saacad laarmi oo gacanta lagu qaadan karo guriga dhexdiisa. Marka aad riixdo saacaddaas laarmiga ah waxaad la xiriireysaa xarunta laarmiga ee magaalada Stockholm.

Adeegga guriga

Adeegga guriga waxaa ka mid noqon kara nadaafadda guriga, cunta-karin ama daryeel dhawr goor maalintii. Waxaana caawimaaddaas lagugu siin karaa guriga si aad ammaan ugu dareento nolol-maalmeedka.

Adeegga guriga ee bilaa furaha ah

Adeegga guriga ee bilaa furaha ah ayaa amniga kor u qaadayaa isagoo adeega loo qabto qofka daryeelka guriga lehna ka sii wanaajinaaya. Waxa furayaasha ay adeegga gurigu hayaan lagu beddeli doonaa fure dhijitaal ah iyadoo qofka adeegga guriga haysta uu wali sii waddaan doonto inuu furayaashaadii caadiga ahaa isticmaasho.

Adeegga guriga ee bilaa furaha ah

Hawla-maalmeedyada

Waxaad kaloo ka qaybqaadan kartaa meel ay ka socdaan hawla-maalmeed oo kula kulanto dad kale oo aad uga qaybqaadato dhaqdhaqaaqyo kala duwan. Waxaa kaloo ku jira kharashka safarka aad ku tegeyso oo uga imaneyso goobta hawla-maalmeedka.

Guryaha daryeelka iyo xannaanada

Guriga daryeelka iyo xannaanada waayeelku waa aqal ay ka jiraan adeeg iyo daryeel saacad walba ah. Waxaana guriga laga helayaa dhammaan caawimaadda loo baahan yahay.

Uppdaterad