Adeegga guriga ee bilaa furaha ah – wuxuu khuseeyaa qofka gaboobay ee loogu adeeggo guriga ama haysta alaarmka badbaadada

In laguugu adeeggo gurigaaga oo aan fure lahayn waxay adiga kuu talahay badbaado. Wanay u ammaan badan tahay gurigaaga. Waxayna u fududahay shaqaalaha guriga kuu daryeelaya.

Shaqaalaha ka shaqeeya daryeelka adeegga guryaha dadka gaboobay ayaa maanta waxay heystaan nuqullo/koobiyo ah furayaasha dhammaan guryaha ay booqdaan. Waa nidaam ilaa xad adag.

Waxaanu hadda bilaabaynaa in aanu isticmaalno waxa aan ugu yeerno u adeegga dadka gaboobay ee guryaha aan furaha lahayn. Taas macnaheedu waxa weeye halkii furaha caadiga ahaa ay shaqaaluhu gurigaaga u haystaan ayaa waxa lagu beddeli doonaa fure dhijitaalka ah. Furahaasi wuxuu shaqaynayaa inta qofka shaqaalaha ahi uu ku jiro xilliga shaqadiisa oo keliya. Marka xilliga shaqadu dhamaato, ma shaqayn doono furaha dhijitaalka ahi.

Waxaad u isticmaalaysaa furahaaga sidii caadiga ahayd

Si furaha dhijitaalka ah ee adeegga gurigaagu u shaqeeyo,
waxaanu kuugu xidhi doonaa quful gaar ah oo ku wareegsan qufulka albaabkaaga.

Qufulka gaarka ah, shaqaalaha ka socda u adeegga dadka gaboobay ayaa albaabkaaga ku furi kara furahooda dhijitaalka ah.

Qufulka gaarka ahi ma saamayn doono qufulkaaga caadiga ah.
Sidii caadiga ahayn ayaad u sii wadanaysaa inaad u isticmaasho furahaaga caadiga ah sidii hore oo kale.

Caawinadu waxay ku iman doontaa degdeg

Qofka haysta alaarmka badbaadada ee u baahan caawimo, gargaarku si degdeg ah ayuu ugu iman karaa marka aanu u adeeggayno dadka gaboobay ee aanu haysano guryaha aan furaha layn. Shaqaalaha u adeegga dadka gaboobay ayaa si toos ah kuugu iman kara gurigaaga. Uma baahna inay marka hore tagaan xafiiska si ay u soo qaataan furaha gurigaaga.

Waxaad dib u heli doontaa furayaashaadii

Marka aan rakibno dhammaan qufullada gaarka ah, shaqaaluhu waa in loo tababaraa sida ay wax waliba u shaqeeyaan. Kadib waxaad dib laguugu soo celin doona furayaashii gurigaaga ee shaqaalaha adeegga dadka gaboobay hasteen.

Sidaa daraadeed waxa ay qaadan kartaa wakhti inta u dhaxaysa wakhtiga aanu rakibayso dhamaan qufulada gaarka ah iyo wakhtiga aanu dib kuugu soo celinayno furayaashaada.

Miyaad rabtaa inaad wax dheeraad ah ogaato?

Waxa jira macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan u adeeggida dadka gaboobay ee guryaha aan furaha lahayn oo laga heleyo bogga websaydka

Websaydku wuxuu ku qoran yahay luqaadda Iswiidhish.

Uppdaterad